Iran: Taageerayaasha Rouhani oo la doortay

Lahaanshaha sawirka EPA

Siyaasiyiinta dhexdhexaadka iyo kuwa isbadalka doonaya ayaa qaatay kuraasta inteeda badan Golaha Khabiirada ee Iran, oo doorta hogaamiyaha sare ee Iran.

Madaxweyne Xasan Rouxani iyo kuwa la jira ayaa helay 15 kamid ah 16-ka kursi ee loogiu tala galay magaalada Tehran, inkastoo codadkii waddanka intiisa kale la tirinayo.

Laakiin, siyaasiga Ahmed Jannati oo ka soo horjeeda isbadal ayaa loo doortay golaha.

Doorashada ayaa loo arkaa muhiim, iyadoo hogaamiyaha sare ee Ayyatollah Khamenei uu yahau 76 jir caafimaadkiisana uusan fiicnayn.

Doorashada baarlamaanka oo dhacday isku waqti, siyaasiyiinta doonaya isbadalka oo la jira Mr Rouhani ayaa ku guulaystay dhamaan soddonkii kuraas ee loogu tala galay magaalo madaxda Tehran.

Taageerayaasha madaxweynaha, ayaa doonayay inay ka hortagaan kuwa aan isbadalka doonayn iany dib ugu soo noqdaan Golaha Khabiirada.