Gudoomiye ku xigeen Facebook oo la xiray

Lahaanshaha sawirka Allan White Fotos Pblicas

Boliiska Brazil ayaa xiray gudoomiye ku xigeenkii shirkada Facebook ee Koonfur Ameerika, iyagoo sheegay in shirkada ay diiday inay wadashaqayn la samayso boliiska baaritaan lagu samaynayay daroogada.

Masuuliyiinta ayaa sheegay in Diego Dzodan, oo u dhashay Argentina uu dhowr jeer diiday uu qaato amarka maxkamada oo uu soo wareejiyo xog ku jirta ap-ka fariimaha la isugu diro ee WhatsApp.

Waxaa lagu su'aalayaa magaalada Sao Paulo.

Facebook ayaa ugu yeeray xiritaanka Mr Dzodan talaabo mayal adag oo isku dheelitirnayn