Sharci difaacaya dumarka Pakistan oo hirgalay

Haweeneey magaalada Lahore ee Pakistan ayaa noqotay qofkii ugu horeeyay ee diiwaan galisa dacwad sharci cusub oo dumarka ka difaacaya xadgudubyada.

Waxay ku eedeysay ninkeeda inuu garaacay, boliiskana waxay xireen ninka iyagoo ku qaadaya sharci laga hirgaliyay Isniintii gobolka Punjab.

Xadgudubyada dumarka ayaa hadda ah sharci daro, oo ay ku jiraan kuwa internetka, cayda iyo dareenka qofka.

Hogaamiyaha xisbi islaami ah ayaa sheegay in talaabadan ay ka soo horjeedo shareecada oo nimanka kalsoonida ka qaadayso.