Qarax ay ku dhinteen askar Soomaali

Lahaanshaha sawirka

Qarax ka dhacay jidka u dhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye ee agagaarka calamada, ayaa waxaa ku dhintay afar askari, afar kalena waa ay dhaawacantay, kadib markii ay qaraxday miino wadada dhinaceeda la dhigay.

Qaraxa ayaa lala beegsaday kolonyo gawaarida milatariga oo saddex ahaa, hal ka mid ah ayay miinada ay ku qaraxday.

Dhinaca kale dagaal u dhaxeeya Alshabaab iyo ciidamada Galmudug, ayaa ka dhacay deegaano ka tirsan xagardheere.

Ddagaalka ayaa bilaambay kadib markii ciidamo ka tirsan Galmudug ay weerareen saldhig ay joogeen Alshabaab oo ku yaal deegaanka Ceel Cabdi.

Dadka deegaanka ayaa BBC u sheegay in afar qof ay ku dhinteen, ilaa toban kalena ay ku dhaawacmeen dagaalka.