Gargaarka degdega ee Midowga Yurub

Midowga Yurub ayaa isku diyaarinaysa inay ku bixiyaan boqolaal milyan oo euro gargaar bini'aadanimo, iyadoo Gariiga uu la halgamayo qaxooti badan oo soo galaya waddankooda.

Qorshaha oo la soo gudbin doono maanta , ayaa lacagta toos loo siin doonaa hayadaha gargaarka ee ka shaqeeya Yurub dhexdeeda si la mid ah sida loo caawiyo markii ay dhibaato ka jirto addunka.

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay xaalad bini'aadanimo oo xun oo ay sababeen qaxooti badan oo yimid xuduudda.

Image caption Qaxooti badan ayaa ku go'doonsan xuduudda Gariiga iyo Macedonia ee magaalada Idomeni.

Kumanaan qof oo magangalyo doon ah ayaa ku go'doonsan xuduudda Gariiga iyo Macedonia.

Qorshaha oo loo gudbinayo golaha sare ee Gudiga Yurub ayaa macnaheedu yahay, in hayadaha Midowga Yurub ay markii ugu horaysay si toos ah ula shaqayn doonaan Qaramada Midoobay iyo hayadaha kale ee Yurub dhexdeeda, halka ay lacagta ka siin lahaayeen waddamada Yurub.

Masuuliyiinta Midowga Yurub ayaa sheegay qorshaha loogu qondaynayo 300m oo eurosanadkan si loo caawiyo waddan walba ee Midowga Yurub ee ay haysato dhibaatada qaxootiga.

700m oo euro ayaa loogu tala galay saddexda sano.