GCC oo xisbulah ku daray argagixisada

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Hogaamiyaha Xisbulah.

Lix waddan oo ka tirsan Golaha Iskaashiga Gacanka, GCC, ayaa kooxda Xisbulah ku daray liiska argagixisada.

Waa talaabadii ugu danbaysay ee cadaadis lagu saarayo kooxda Shiicada ee Xisbulah, oo siyaasada Labnaan muhiim ka ah.

Bishii hore, Sacuudi Carabiya ayaa joojisay sadex biyan oo dollar oo gaargaar ah oo ay siinaysay ciidanka Labnaan.

Dadka liiska lagu daray ayaa ah hogaamiyayaasha Xisbulah, dadka ka tirsan iyo kuwa xiriirka la leh.

Xoghayaha Golaha Iskaashiga Gacanka ayaa sheegay, in go'aanka la gaaray sababtoo ah Xisbulah inay ka qoraysay dadka dhalinyarada waddamada Gacanka si ay weerar u qaadaan.

Xisbulah ayaa teegeerta madaxweyne Assad dagaalka Suuriya.