$25 milyan oo lagu caawinayo Calais

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Xerada Calais ayaa la dumiyay toddobaadkan.

Ra'iisal wasaaraha Britain, David Cameron, ayaa ku dhawaaqay in Britain ay ku qarash garayn doonto 25 milyan oo dollar oo ay ku caawinayso boliiska Faransiiska ee wax ka qabanaya dhibaatada dad si sharci daro ku degan xerada Calais.

Mr Cameron ayaa sheegay in lacagta loo isticmaali doono dadka xerada jooga la geeyo qaybo kala duwan Faransiiska.

Dadka aan doonayn inay magangalyo waydiistaan Faransiiska ayaa loo celin doonaa waddamadooda.

Madaxweynaha Faransiiska, Francois Hollande, ayaa sidoo kale sheegay dadka degan Calais iany magangalyo waydiistaan Faransiiska ama waddankooda lagu celinayo.