Turkiga iyo EU oo tahriibta ka wada hadlaya

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Tahriibayaasha waxa ay ka baxaan Turkiga si ay u gaaraan Yurub

Madaxweynaha golaha Midowga Yurub, Donald Tusk, ayaa booqasho ku jooga dalka Turkiga.

Waxaa la filayaa inuu la kulmo madaxweynaha dalkaasi oo uu kala hadlo xaaladda Tahriibta.

Waxaa arrintan ay sii xoojineysaa dadaalka labada dhinac ay isaga gaashanayaan xakameynta qulqulka muhaajiriinta Yurub ku sii socda.

Kumannaan muhaajiriin ah ayaa weli sii wada safarkooda ay ku gaarayaan Giriigga.

Dadkaasi oo u badan Suuriya kuwa u dhashay waxa ay doomo ka raacaan xeebaha Turkiga.