W/Kuuriya oo isu diyaarisay "dagaal Nuclear"

Lahaanshaha sawirka
Image caption Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-Un

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong-un, waxa uu ku amray militarigiisa inay diyaar u noqdaan rididda hubka nuclear ka ee dalkiisa.

Waxa uu sheegay in xilli kastaa amar lagu siin karo inay tallaabadaasi qaadaan.

Wakaaladda wararka u faafisa xukuumadda Pyongyang waxa ay sheegtay in sidoo kale hogaamiyaha uu amray in Kuuriyada Waqooyiga ay isu diyaariso qaadidda weerar isdifaacid ah.

Hadalka waxa uu daba socday cunna qabateyn cusub oo UN ay uga jawaabeysay Kuuriyada waqooyi oo gantaallo tijaabisay bishii January.