Nigeria oo xirtay suuqyo xoolaha lagu iibinayay

Image caption Maamulka waxa ay doonayaan in kooxda ay ka jaraan ilaha dhaqaalaha

Maamulka dalka Nayjeriya waxa uu xiray afar suuq oo xoolaha lagu iibinayay.

Suuqyadaasi waxaa lagu sheegay in lagu iibinayay xoolaha la soo dhaco oo lagu maal gelinayay Boko Xaraam.

Kooxda muqaawamada ah waxaa in mudda ah lagu eedeynaayay inay kumanaan lo’ iyo ari ka dheceen waqooyiga Nayjeeriya iyo dalka deriska la ah ee Cameroon.

Duqa gobolka Borno, oo ah meesha ay suuqyadaasi ku yaalleen, waxa uu sheegay in “damiir laawayaal da’ dhexaad ah” ay iibinayeen lo’da lasoo dhacay, ayna dhaqaalahaasi u gudbinayeen Boko Xaraam.

Xiritaanka suuqyadaasi waxa uu sabay hilib yaraan ka taagan gobolkaasi.