Duqeyn ka dhacay dalka Suuriya

Lahaanshaha sawirka AFP Getty Images
Image caption Tan iyo markii xabad joojinta ay bilaabatay, Suuriya kamaysan dhicin dagaallo xoog badan.

Diyaarado dagaal oo aan la aqoon ayaa waxa ay fuliyeen duqeyn lagu qaaday magaalo ay ku xoogga badan yihiin mucaaradka Suuriya oo lagu magacaabo Dowama.

Magaaladaasi waxa ay ku dhowdahay magaalada Dimishiq, waxaana gacanta ku haya koox kamid ah mucaarad.

Kooxda lasocodka xaaladda Suuriya waxa ay sheegtay in ugu yaraan hal qof lagu dilay weerarkaasi duqeynta ah.

Waa weerarkii ugu horeeyay ee halkaasi ka dhaca tan iyo markii xabad joojintii lagu heshiiyay ay dhaqan gashay, isbuuc ka hor.

Warka duqeynta ayaa soo baxay daqiiqado ka dib kullan 50 daqiiqo oo telefoon ah oo ay yeesheen hogaamiyayaasha dalalka Ruushka, Britain, Faransiiska, Jarmalka iyo Taliyaaniga, kaas oo looga hadlay qalalaasaha Suuriya.

Afhayeen u hadlay dowladda Britain waxa uu sheegay inay xaqiijinayaan sida loogu baahan yahay in dib loo bilaabo hanaanka nabadda, kaas oo u muuqda in xabad joojinta hadda ay ku taagan tahay.

Angela Merkel, hogaamiyaha dalka Jarmalka, waxa ay tilmaamtay inay muhiim u tahay dhammaan dhinacyada oo dowladda ay kamid tahay, in lagu taagnaado wixii lagu heshiiyay.