Koox aan la aqoon oo dad ku dishay Yaman

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Colaadda dalka Yaman dad aad u badan ayaa ka qaxay

Xubno kamid ah laamaha amniga ee dalka yama waxa ay sheegayaan in dabley aan heybtooda la garan ay dileen 16 qof ay ku dileen dalka Yaman.

Dadka la dilay waxaa kamid ah afar haween Soorooyiin ahaa oo Hindiya u dhashay.

Dadkaasi la dilay waxa ay ka shaqeynayeen meel lagu hayey odayaal oo ku taalla waqooyiga magaalada Cadan.

Lama garanayo sababta ka dambeysay weerarka dadkaasi lagu dilay.

Dowladda Yaman ee taageerada ka haysata dalalka gacanka carabta waxaa saldhig u ah Cadan, laakiin weli waxa ay la harjadeysaa sidii maamulkeeda ay dib ugu soo nooleyn lahayn.

Waxa ay dagaal adag kula jirtaa Alqacidda, Daacish iyo Shiicada Xuutiyiinta ee Iiraan ay taageerto.