Carson oo ka haray tartanka madaxtinimada US

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Carson kuma uusan guuleysan xitaa hal gobol.

Ben Carson oo doonayay in uu ku guuleystay musharaxnimada xisbiga Jamhuuriga ee dalka Mareynka ayaa rasmiyan u shaaciyay in uu tartankaasi ka haray.

Carson oo ah dhakhtar ku takhasusay qalliinka iyo cudurada ku dhaca maskaxda ayaa ka mid ahaa musharixiiinta loolanka ugu jiray in ay hantaan in ay ku soo baxaan tartanka xisbiga gudahiisa ah, hase yeeshee waxa uu ku guul dareystay in uu xitaa hal gobol ku guuleysto.

Waxa uu doonayay in uu noqdo musharixii ugu horreeyay oo madow ah oo xisbiga Jamhuuriga uu u doorto in uu u tartamo madaxtinimada dalka ugu quwadda weyn caalamka.

Ilaa iyo haatan ma uusan shaacin musharaxa xisbigaasi ee uu doonayo in uu barataaro balse waxa uu sheegay in uu wali ku sii lug lahaanayo badbaadinta qaranka.

Tallaabada uu qaaday Carson ayaa ahayd mid la wada sugayay kaddib markii uu kal hore usbuucan sheegay in aysan u muuqan waddo siyaasadeed oo uu ku sii socon karo.

Ka hor inta uusan shaacin in uu ka harayo tartanka musharaxnimada ee xisbiga gudahiisa, Carson waxaa uu haystay taageerada siddeed ka mid ah ergada wax soo dooraneysa.