Talibaan oo ka baxday wadahadallada nabadda

Lahaanshaha sawirka b
Image caption Taliban waxa ay dooneysaa in weerarada laga daayo si wadahadalka uusan u fashilmin

Kooxda Talibaan waxa ay sheegeysaa inaysan ka qeyb gali doonin wadahadallada nabadda ee dowladda Afghanistan.

Waxa ay shardi uga dhigeen wada xaajoodka, in marka hore ciidamada caalamiga ah ee ku sugan ay joojiyaan duqeymaha kooxda ka dhanka ah iyo inay dalka oo dhan ka baxaan ciidamadaasi.

Waxaa la filayay in kooxda ay ka qeybgasho wadahadallada nabadda ee isbuuca soo socda ka dhacayo dalka Pakistan.

Kullanka waxaa soo qaban qaabisay dowladda Afghanistan oo tallaabadii ugu horeysay u qaadeysa dhanka wadahadallada nabadda.

Laakiin Taalibaan waxa ay sheegtay inkastoo ay boorinayaan in miiska wadahadallada ay fariistaan, hadana Ciidamada Mareykanka waxa ay laba jibbaareen duqeymaha ka dhanka ah ururka.

Sidoo kale ciidamada Afghanistan waxa ay weerareen xarumaha Taaliban ee gudaha dalkaasi.

Waxa ay sidoo kale Talibaan dalbaneysaa in loo siidaayo maxaabiista laga hayo iyo in laga saaro liiska madow ee Mareykanka.