Ban Ki-moon oo booqday qaxootiga saxaaraha Afrika

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Ban Ki-moon waxa uu doonayaa in nabadeyn uu billaabo ka hor intuusan xilka ka degin

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobeey, Ban Ki-moon, waxa uu booqday xero ku taalla waqooyiga Algeriya.

Xeradaasi waxaa ku nool qaxooti ka qaxay saxaaraha galbeedka ee Morocco ay maamusho.

Kaddib markii uu saxaaraha lama degaanka uu ku dulmaray diyaarad nooca qumaatiga u kaca, Mr Ban waxa uu la kulmay dad ku nool xaalad aad u xun.

Guriyihii dhoobada ka sameysnaa ee dadkaasi ay deganaayeen waxaa dumiyay roobtii dertii la soo dhaafay iyo dabeylo la socday.

Madaxa koox taageerta madaxbannaanida saxaaraha galbeedka morocco, Maxamed Cabdicasiis waxa uu eedeeyay Qaramada Midoobeey.

Waxa uu sheegayaa in ay xal u waysay xalka xaaladda gobolkaasi iyo in xabad joojin la dhex dhigo tan iyo 1991dii.

Iyadoo xilligiisa uu dhammaanayo Mr Ban, waxa uu isku deyayaa inuu dib u billaabo hanaanada nabadeynta, waxa uuna ku baaqay afti dad weyne oo lagu go’aaminayo madax banaanida gobolkas saxaaraha galbeedka ee Morocco ay maamusho.