Xasan Al-turabi oo Khartuum lagu aasay

Lahaanshaha sawirka AFP

Kumaankun ayaa ka qeybgalay aaska loogu sameeyay Sudan hoggaamiyihii saameynta weyn lahaa, Xasan Al turabi oo shalay ku geeriyooday da'da 84.

Madaxda dowladda ayaa ka mid ahaa kuwa ka qeybgalay xuska loogu sameeyay magaalada Khartuum.

Alle ha u xanriistee Xasan Al-turabi waxa uu mar ahaan jiray isbahaysiga ugu weyn madaxweyne Cumar Al-bashiir, balse waxaa la xiray sanado badan kaddib markii ay kala jabeen.

Waxa uu ahaa ninka sida weyn uga dambeeyay siyaasadda Islaamka Sudan, waxayna saameynta fakarkiisu gaartay meelo ka baxsan Sudan.