Nin hubaysan oo isku dilay Sydney

Lahaanshaha sawirka AP

Nin hubaysan oo ay booliis isku hor fadhiyeen muddo saacad ka badan warshad ku taala Sydney ayaa is dilay, sida ay dawladdu sheegtay.

Booliska ayaa sheegay in hawl galkan xasaasiga ahi ka socdo goobta warshadaha ee lagu magacaabo Ingleburn oo ku taal koorfurta galbeed ee magaalada.

Lama oga in ninka dableyada ahi uu dad afduub u haystay iyo in kale.

Labada nin oo uu dhaawacay ayaa loo qaaday Isbitaalka Liverpool Hospital, BBC-dana waxa loo sheegay in xaaladoodu wanaagsantahay.

Labada nin midkood ayaa qalliin degdeg ah loo sameeyay, ka kale se dhaawac fudud ayaa soo gaaray.

Wararka warfidiyeenka goobta ku sugan laga helayo ayaa sheegaya in ninka dableyda ahi adeegsanayay qori daran doorri u dhacaya.

Sawirrada goobta laga qaaday ayaa muujinaya Booliis aad u hubaysan oo ku hareeraysan warshadda Inline National Signage iyo wax la moodo mayd maro cad lagu duubay oo yaalla wadada dhinaceeda.

Nin lagu eedeeyay inuu is hortaagay baaritaanka Booliiska ayaa goobta lagu xiray.