Mintidiin lagu dilayTunisia

Lahaanshaha sawirka AP

Ciidamada Tunisia ayaa sheegay inay ku dileen ugu yaraan toban mintidiin iska horimaad meel u dhow xuduudda Libya.

Warbixino hordhac ah ayaa sheegaya in dad rayad ah ay ku dhinteen weerarka.

Waxaa dhacay isxabadayn xoog leh markii mintidiinta ay weerareen saldhig boliis ee magaalada Ben Guerdan.

Ciidamada ayaa feejignaa xuduudda agteeda, kadib warar sheegaya in mintidiin ay ka soo gudbayeen Libya tan iyo intuu Maraykanka weeraray xero ku taal Libya oo lagu tababaro mintidiinta.

Weerarka waxaa ku dhintay dhowr iyo toban mintidiin reer Tunisia.