Cudurka Zika oo laga dayrinayo

Lahaanshaha sawirka AFP

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa Dumarka uurka leh uga digtay in aysan u safrin meelaha cudurka uu ka jiro

Sida dalalka Latin Amerika, sababtoo ah waxaa jiro caddaymo muujinaya xiriirka ka dhexeeya virus-ka zika iyo koriinka caruurta madax yaraanta ku dhalata

Warbixinta WHO ayaa sidoo kale sheegaysa in baaritaanada ay soo gudbiyeen dhowr dal oo caalamka ah.

Waxayna muujinaysaa in badanaa caabuqan lagu kala qaaday galmo

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in Haweenka ay baaritaan ku sameyaan degaanadda gaarka ah ay qorsheynayaan in ay u safraan.

Viruskan oo kaneecadu gudbiso ayaa lala xiriirinayaa mushaakil xagga dhalmada ah oo sii kordhaya