US oo bartilmaameedsaday taliye Daacish ka tirsan

Saraakiisha milatariga ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in ay bartilmaameedsadeen taliye sare oo ka tirsan kooxda la magac baxday Dawladda Islaamiga duqayn ay ka fuliyeen Suuirya.

Aqalka gaashaandhiga Maraykanka nee Pentagonka ayaa sheegay in Cumar Al-Shishani oo u dhashay dalka Georgia laga yaaba in lagu dilay weerarkaasi oo ay gaysteen diyaradaha aan duuliyaha lahayn.

Ma jiraan warar xaqiijinaya dhimashadiisa.

Milatariga Maraykanka ayaa sheegay in ay duqeeyeen goob uu Al-Shishani ku sugnaa isbuucii la soo dhaafay meel u dhaw magaalada Al-Shadadi.

Doorkiisa waxa la aaminsanyahay in uu ahaa taliyaha Daacish u qaabilsan waqooyiga Ciraaq.