Nigeria: Soddon ku dhimatay dhismo dumay

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Dhismo horay ugu dumay Lagos.

Masuuliyiin gurmadka ee Nigeria ayaa sheegay in soddon qof ay ku dhinteen Lagos, markii dhismo shan dabaq ah oo la dhisayay uu dumay.

Dhismaha oo ku yaalay xaafada Lekki ee ay dadka lacagta leh ay dagaan ayaa dumay iyadoo roob badan uu da'ayo.

Saddex iyo toban qof ayaa la soo badbaadiyay, laakiinwaxaa loo malaynayaa in dad kale ay wali ku jiraan burburka.

Hadal ay soo saareen dowladda hoose ee Lagos, ayaa sheegay in shaqada dhismaha la waday iyadoon ogolaansho laga helin masuuliyiinta.

Waxay ku amreen madaxda dhismaha inay boliiska imaadaan ama inuu la xiri doono.