Merkel oo cambaaraysay xuduudda la xiray

Lahaanshaha sawirka AFP Getty Images

Ra'iisalwasaaraha Jarmalka, Angela Merkel, ayaa cambaaraysay waddamada Balkan-ka inay ka xireen xuduuddooda qaxootiga raba inay imaadaan waqooyiga Yurub.

Mrs Merkel ayaa sheegtay in waddamada Midowga Yurub inaysan dhibaatada qaxootiga ku daynin Gariiga.

Ilaa afar iyo toban kun oo dad ayaa ku xayiran xuduudda Gariiga uu la leeyahay Macedonia, iyadoo kumanaan kale ay joogaan dalka Gariiga.

Laakiin dowladda Austria ayaa ku tilmaantay xirida xuduuddaha, inay tahay sida kaliya ee looga hortagi karo inay dadka kaga imaadaan doomo Turkiga oo ay imaadaan Gariiga.

Shan qof oo ilmo ay ku jiraan, ayaa lagu soo waramayaa inay doon kula gadoontay badda iyagoo doonayay inay yimaadaan Gariiga.