Qaraar ka dhan ah tacaddiyada nabad ilaalinta QM

Waa markii ugu horreysay oo golaha ammaanka Qaramada Midoobey uu ansixiyo qaraar ujeedadiisu tahay la tacaalidda dhibaatada isa sii tareysa ee tacaddiyada dhanka galmada ah ee ay gaysanayaan ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobey.

Qaraarkani oo uu soo hindisay Mareykanka oo ah waddanka dhaqaalaha ugu badan ku bixiya hawlgalada nabadda ee Qaramada Midoobey ayaa ogolaanaya go’aan uu dhawaan qaatay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-moon, kaasi oo ahaa in la musaafurinayo unugyada ka tirsan booliska ama milatariga nabad ilaalinta ee lagu helo caddeymo muujinaya tacaddiyo dhanka galmada ah iyo xad gudubyo kale.

Qaraarkani ayaa sidoo kale waxa uu Qaramada Midoobey ugu baaqayaa in ay baddasho ciidamadeeda nabad ilaalinta ee eedaha ka dhanka ah aan sida wanaagsan loo baarin.

Tallaabadani uu qaaday golaha ammaanka ayaa waxa ay qayb ka tahay talooyin dhowr ah oo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey shalay uu u soo bandhigay 15-ka waddan ee xubinta ka ah golaha ammaanka.

Waddamada qaar ayaa walaac ka muujiyay suurtagalnimada in qaraarkani uu si wada jir ah u ciqaabo askarta nabad ilaalinta Qaramada Midoobey oo ay ku jiraan kuwo aan innaba wax dhibaato ah gaysan.