Jarmalka oo gobolada qaar doorasho loo dareeray

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Kooxaha diiddan qaxootiga ayaa laga yaabaa in ay guul ka gaaraan doorashada maanta.

Saddex gobol oo ka tirsan Jarmalka ayaa maanta waxaa ka dhacaya doorashooyin loo arko in ay tijaabo u yihiin siyaasadda hoggaamiyaha dalkaasi Angela Merkel ee ku wajahan xaqootiga.

Dalkaasi ayaa waxaa sii yaraanayay dulqaadka loo muujinaya muhaajiriinta iyadoo kooxaha mucaaradka ay ka caroodeen go’aankii sanadkii hore ay qaadatay xukumadda dalkaasi ee lagu soo dhaweynayay dadka ka soo cararaya colaadda ka jirta Suuriiya.

Saadaasha codbixinta goboladani ayaa muujineysa in ay suurtagal tahay in xisbiga AFD ee diidan muhaajiriinta uu ka guuleysan doono xisbiga masiixiga ee Markel ee CDU.

Xisbiga Markel ayaa la saadaalinayaa in uu guul ka soo hooya gubolka saboolka ah eek u yaala bariga ee Saxony-Anhalt halka labada gobol ee kale oo ah kuwo wershada leh uu guul darro kala kulmi karo.