Dagaal ka dhacay gobolka Idlib ee Suuriya

Lahaanshaha sawirka AFP Getty Images
Image caption Dagaalka ayaa dhex maraya laba garab oo horey iskaashi uu u dhaxeeyay.

Wararka ka imaanaya dalka Suuriya ayaa sheegaya in dagaal uu ka dhex qarxay jabhadda Nusra ee xiriirka la leh Al-Qaacidda iyo koox fallaago ah oo reer galbeedka ay taageeraan.

Dagaalka ayaa ka dhacay gobolka Idlib oo intiisa badan ay gacanta ku hayaan fallaagada dagaalka kula jirta dowladda Suuriya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Bashar Al-asad.

Dagaalyahanada Al-Nusra ayaa lagu soo waramayaa in ay isku dheceen guutada 13-aad ee milatariga xorta ah ee Suuriya guadaha iyo agagaarka magaalada Marat al-Nucmaan.

Kooxaha xaquuqul insaanka ayaa sheegaya in dagaalka uu qarxay kaddib markii dagaalyahanmada Al-Nusra ay carqaladeeyeen dibadbax ka dhan ah dowladda maalintii Jimcaha ahayd.

Labadani garab ee uu hadda dagaalka dhex maraya ayaa horey waxa ay iska kaashan jireen dagaalka ka dhanka ah dowladda oo sababay in inta badan gobolkaasi Idlib uu gacanta u galo fallaagada.

Kooxda mucaaradka ee Milatariga Xorta ah ee Suuriya ayaa qayb ka ah xabbad joojinta haatan jirta balse Jabhadda Al-Nusra ayaan qayb ka hayn xabbad joojintaasi waxa ayna diidan tahay wada xaajood nabadeed oo lala gala dowladda Suuriya ee Bashar Al-asad.

Dagaalka ayaa ku soo beegmaya xilli maalinta isniinta ah lagu wado in magaalada Geneva uu ka furmo shirka nabadda ee Suuriya.