Qarax wayn oo ka dhacay Ankara

Lahaanshaha sawirka DHA

Qarax wayn ayaa ka dhacay bartamaha caasimadda Turkiga ee Ankara.

Masuuliyiinta magaalada ayaa sheegay in ugu yaraan 27 qof ay ku dhinteen, 75 kalana ay ku dhaawacmeen.

Qaraxa waxaa laga maqlay guud ahaan maagaalada, iyadoo qiiq madow uu hawada u diray.

Waxa uu sababay in ay gubtaan gawaaridii taagnayd boosteejada xaafadda mashquulka badan ee Kizilay.

wararka qaar ayaa sheegaya in rasaas la iswaydaarsaday kadib qaraxa.

Bishii la soo dhaafay Ankara waxaa ka dhacay qarax ay ku dhinteen ku dhawaad 30 qof.

Dawladda ayaa ku eedaysay mintidiinta Kurdiyiinta in ay ka dambeeyeen weerarkaasi.