Muhaajiriin Giriiga uga gudubtay Macedonia

Lahaanshaha sawirka
Image caption Boqolaal qof ayaa isku dayaya inay wabiga ka gudbaan oo tagaan Macedonia.

Boqolaal muhaajiriin ah ayaa waxa ay ka tallaabeen xadka Giriiga iyo Macedonia, kaddib markii ay heleen qaab ay kaga gudbaan dayrka xadka la dhigay.

Booliska Macedonia ayaa waxa ay xireen dadkaasi, iyagoo sheegay in ay dib ugu celin doonaan dalka Giriiga oo markii hore ay ka soo tallaabeen.

Goor sii horreysay ilaa 1,000 muhaajiriin ah oo ay ku jiraan carruur, ayaa waxa ay isaga tageen xero ay dad badan joogaan oo ku taal tuulada Idomeni ee waddanka Giriiga, iyagoo u ka tallaabay webi mara meel u dhaw xuduudda.

Ku dhawaad 14,000 oo qof, oo intooda badan ka soo jeeda wadammada Suuriya iyo Ciraaq, ayaa waxa ay ku xayirnaayeen xirada, halkaasi oo xaaladaha nolosha ay sii xumaanaysay kaddib maalmo uu halkaa roob ka da’ayay.

Macedonia ayaa todobaadkii la soo dhaafay waxa ay sheegtay in aanay muhaajiriinta u ogolaan doonin in ay dalkeeda ay soo galaan, iyagoo sidaasina ku xiray wadada waqooyi ee isku xirta gobolka Balkan-ka.