Ivory Coast: Waan la dagaalami doonaa argagaxisada

Lahaanshaha sawirka

Madaxweynaha dalka Ivory Coast, Alassane Ouattara, ayaa khudbad uu qarankiisa u jeediyay ku sheegay in argagaxisada aysan u cagajuglayn karin dalkiisa.

Waxa auu hadalkan jeediyay maalin kadib markii mintidiin huabaysan ay 8 qof ku dileen weerark ay ku qaadeen magaalo xeebeedka Grand Bassam, ee u dhaw Abidjan.

Afar kamid ah dadka dhintay waxa ay u dhasheen dalka Faransiiska. Mr Ouattara, ayaa ku dhawaaqay seddax maalmood oo baroor-diiq qaran.

Kooxda Islaamiyiinta ee Al-qaacidada Waqooyiga Afrika ayaa sheegtay in ay ka dambaysay weerarkii lagu qaaday huteelo ku yaalla koofurta Ivory Coast.

Kooxda Al-qaacida ayaa dhowr bilood kahor weerar kan lamid ah ku qaaday caasimadaha dalalka Mali iyo Burkina Faso.

Madaxweynaha dalka Faransiiska, Francois Hollande, ayaa ku sheegay fal fulaynimo ah, waxuuna u ballan qaaday Ivory Coast in Faransiiska uu la garab taaganyahay taagero dhinaca sirdoonka ah.