$16 bilyan oo ka maqan dowladda Nigeria

Lahaanshaha sawirka AFP

Dowladda Nigeria ayaa sheegtay in shirkadda shidaalka ee dowladda ay ku guuldaraysatay inay ku wareejiso lix iyo toban bilyan oo dollar oo ah lacagta shidaalka ay ka heshay sanadkii 2014.

Nigeria National Petrolium Corporation ayaa wali ka jawaabin eedeynta. Sharci ahaan, shirkada shidaalka waa inay ku wareejisaa dowladda lacagta shidaalka ay ka hesho.

Madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari, ayaa sheegay in la dagaalanka musuqmaasuqa ay ka mid tahay waxyaabaha ugu muhiimsan ee uu qaban doono.

Dhowr masuuliyiiin ayaa baaritaan lagu sameeyay dhawaan, qaarna dacwad lagu soo oogay.