Donald Trump oo ku guuleystay Florida

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Trump iyo Clinton ayaa guulo waaweyn ka gaaray doorashooyiinka hordhaca ah

Donald Trump waxa uu guul weyn ka gaaray doorashada hordhaca ah ee gobolka Florida.

Taasi waxay u noqoneysaa tallaabo weyn oo uu u qaaday dhanka uu ku helayo inuu noqdo musharraxa xisbiga Jamhuuriga ee doorashada guud.

Iyadoo weli codadka la tirinayo, ninka la tartamayay Marco Rubio waxa uu qiray in Mr Trump uu guuleystay.

Mr Rubio ayaa sidoo kale joojiyay dhammaan ololihiisa uu ugu tartamaya inuu musharrax u noqdo Jamhuuriga.

Florida waxa ay kamid tahay gobollada ugu waaweyn uu dooranaya qofkii ku matali lahaa doorashada soo socota ee Nufembar ka dhici doonta dalka Mareykanka.

Dagaalka musharrax nimada ee xisbiga Dimuquraadiga, Hilary Clinton waxa ay heshay guul ballaaran oo ay ka heshay Florida iyo North Carolina iyo Ohio.

Waxa ay taageerayaasheeda Florida u sheegtay inay u dhowdahay markan inay noqoto musharraxa Dimuquraadiga ee doorashada madaxtinimada.