Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wadahadalka Soomaaliya iyo Brundi

Magaalada Muqdisho waxaa maanta booqasho ku tagay madaxwyne kuxigeenka koowaad ee dalka Burundi Gaston Sindimwo, wuxuna kulamo la qaatay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale Madaxweyne kuxigeenka Burundi iyo wafdigiisu waxa ay la kulmeen xubno ka socday wasaaradda difaaca Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan milatariga, waxayna ka wadahadleen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan ayaa markii ay kulamadaasi soo dhamaadeen la hadlay wasiir ku xigeenka gaashaandhiga ee Soomaaliya Cabdalla Xuseen Cali, wuxuuna waydiiyay waxyaabaha ay ka wadahadleen