Obama oo magacaabay gudoomiye maxkamad sare

Lahaanshaha sawirka Getty

Madaxweyne Obama ayaa magacaabay garsoore, Merrick Garland, inuu noqdo gudoomiyaha maxkamada sare kadib markii uu dhintay gudoomiyihii hore.

Magacaabida ayaa waxaa ansixin doona Sanate-ka, laakiin waxaa ku badan xisbiga Republiga oo aan u codayn doonin ansixinta.

Xisbiga Republiga ayaa waydiistay Obama inuu u dhaafo magacaabida madaxweynaha cusub ee la dooranayo November.

Sagaalka xubno ee maxkamada sare ayaa u kala qaybsan dad furfuran iyo dad mayal adag.