Kuuriyada Waqooyi oo cunno qabateyn kale la saaray

Lahaanshaha sawirka
Image caption Ardey Mareykanka u dhashay ayaa 15 sano ay ku xukuntay xukuumadda Pyongyang

Madaxweynaha Mareykanka waxa uu saxiixay amar cusub oo cunna qabateyn dheeraad ah lagu saarayo Waqooyiga Kuuriya.

Tallaabadaasi waxaa looga jawaabayaa xukuumadda Pyongyang oo tijaabisay sawaariiq nukliyer ah.

Afhayeenka Aqalka Cad waxa uu sheegay in Mareykanka iyo beesha caalamka aysan u dulqaadan doonin in kuuriya Waqooyiga ay hesho nukliyer sharcidaro ah sameysato.

Xilli sii horeysay, Aqalka Cad waxa uu Kuuriyada Waqooyi ku eedeeyay inay muwaadiniinta Mareykanka ay u adeegsanayso gaashaan ay ujeedooyiin siyaasadeed ku gaarto.

Hadalkaasi waxa uu soo baxay kaddib markii ardey u dhashay Mareykanka ay Waqooyiga Kuuriya ku xukuntay 15 sano oo xabshi iyo shaqo adag ah.

Ardeygaasi waxaa lagu eedeeyay dembiyo ka dhan ah dalkaasi inuu geystay.

Mareykanka waxa uu dalbanayaa in wiilkaasi si degdeg ah loo siidaayo.