Kerry oo Masar ku eedeeyay xadgudub

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Iyadoo taasi ay jirto Mareykanka weli waxa uu taageeraa ciidamada Masar

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, John Kerry waxa uu sheegay inuu aad uga walaacsan yahay xaaladda xuquuqda aadanaha ee dalka Masar oo sii xumaaneysa.

Mr Kerry waxa uu farta ku fiiqay sida loogu baahan yahay go’aanka lagu bilaabayo baaritaan hay’adaha aan dowliga.

Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in la baaro dikumiintiyada sheegaya in jirdil iyo xadgudubyo kale oo ka dhan ah aadanaha ay ka dheceen Masar.

War qoraal ah, Mr Kerry waxa uu ku sheegay in tani xad gudubyada ay ka dhan yihiin xubnaha mucaaradka, weriyayaasha iyo ururada bulshada rayidka ah.

Dadkaas ayuu sheegay inay la kulmayaan ahndadaad, iyo xabsi.

John Kerry, xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka waxa uu intaa ku daray in xannibaadda noocaas ah aysan keeneyn xasillooni iyo amni.