Turkiga iyo Midowga Yurub, oo ka kulmaya muhaajhiriinta

Hoggaamiyayaasha Midowga Yurub ayaa la kulmaya Ra’iisul wasaaraha Turkiga, waxa ay isku dayayaan in ay dhameystiraan heshiis, looga gol leeyahay in lagu soo afjaro dhibaatooyinka muhaajiriinta ku qulqulaya qaaradda Yurub.

Turkiga ayaa la siinayaa gargaar dhaqaale iyo sidoo kale in loo fuliyo dalabkooda, taa badalkeeda waxaa laga doonayaa Turkiga, in uu dib dalkiisa uga celiyo muhaajiriinta dalka Giriiga ku sugan ee ka soo galay Turkiga.

Laakiin hoggaamiyayaasha Midowga Yurub oo kulmay khamiistii, ayaan jecleysan dalabka Turkiga, mana cada in heshiis la gaaraya maanta.

Ra’iisul wasaaraha Turkiga, Ahmet Davutoglu, ayaa sheegay in uu filayo mowqif mideysan, laakiin waxa uu carabka ku adkeeyay in uu doonayo in xaaladan uu u wajaho gargaar bani’aadanimo.