Howl gal la xiriira weerarkii Paris oo ka dhacay Brussles

Dacwad soo oogaha dalka Belguim, ayaa sheegay in sawirka faraha nin lagu tuhunsayahay weerarkii Paris, ee dhacay bishii November, in laga helay dhisma ku yaalla magaalada Brussles oo ay boolisku weerareen isbuucan.

Warbaahinta dalka Belguim, ayaa sheegtay in Saalax Cabdisalaam, laga yaaba in uu ka baxsaday dhismahaasi kahor inta aysan boolisku weerarin. Weerarkaasi qof ayaa lagu dilay.

Booliska ayaa si wayn u baadigoobayay Cabdisalaam, oo ah muwaadin u dhashay Faransiiska oo ku dhashay Brussels.

130 qof ayaa ku dhintay weerarka Paris ee ay kooxda Daaichs sheegatay.