Dagaal ka socda Suuj

Deegaanka Suuj ee gobolka Nugaal ee Puntland, ayaa waxaa mar kale ka bilowday dagaal u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo Al-Shabaab.

Ilaa hadda lama hayo qasaaraha dhabta ah ee labada dhinac gaaray.

Genaral Muxyadiin Axmed Aw-Muuse, oo ku sugan jiidda hore ee dagaalka, ayaa BBC u sheegay in dagaalka oo bilowday saakay aroortii hore, welina uu socdo.

Kooxo hubaysan oo loo haysto in ay ka mid ahaayeen kooxda Al-Shabab ee ka jirtay deegaanada ka baxsan Puntland ee dhinaca koonfurta Soomaaliya, ayaa deegaanno ka tirsan Puntland gaaray maalintii Isniinta.

Doonyo ay saaran yihiin ciidamadan hubaysan ayaa ka degay xeebaha degmada Garacad ee Puntland, kuwaas oo qayb ka mid ah ay u dhaqaaqday deegaanno gudaha ah.

Lama oga ujeedka dhabta ah ee ciidamada hubaysan ee ka tirsanaa al-Shabab ay u galeen Puntland.

Bishii October, ayaa dagaalyahanno ka tirsanaa al-Shabaab oo horay ugu jiray buuralaha Galgala ee Puntland oomaaliya, waxay ku dhawaaqeen in ay daacad u yihiin kooxda khilaafada Islaamka ama.