Cudur kaneecada ka dhasho oo lagu arkay Kenya

Dawladda Kenya ayaa xaqiijisay in dalkeeda laga helay labo kiis oo Indhagaduudiye ama cagaarshaw, waa markii u horaysay ee cudurkan lagu arko Kenya muddo labaatan sano ku dhaw.

Labada ruux ee xanuunka lagu arkayba waxay kala yimaadeen dalka Angola, halkaas oo xanuunkaas oo ka dilaacay kuna dilay 150 ruux.

Cudurkan ayaa horay looga cirib tiray dalka Kenya.

Labadan qof ee hadda lagu arkay xanuunka cagaar shawga, ayaa ah labo nin oo Kenyan ah oo ka soo laabtay Angola iyaga oo xanuunka qaba.

Waxay Angola ku noolaayeen kana shaqaysanayeen in kabadan 10 sano, midka hore wuxuu ku dhintay isbitaalka ugu wayn dalka Kenya ee Kenyatta Arbacadii.

Midka labaadna hadda ayaa isla Isbitaalkaas lagu dabiibayaa.

Saraakiisha caafimaadku waxay sheegeen in ay sare u qaadeen feejignaanta, waxayse shacabka u xaqiijiyeen in aysan jirin halis ah in ay dadku si toos ah u kala qaadaan.

Xanuun kani malaha wax dawo ah, laakiin calaamadihiisa ayaa la maarayn karaa.

Angola ayaa la tacaaleysa cudurkaasi waxa ayna billowday hawlgal lagu tallaalayo ku dhawaad toddobo milyan oo qof gaar ahaanna gobolka uu cudurka aadka u saameeyay ee Luanda