Amnesty oo EU ku dhaliishay heshiiska muhaajiriinta

Lahaanshaha sawirka AFP Getty Images
Image caption Muhaajiriin kumannaan gaaranaya oo ku xayiran dalka Giriiga

Amnesty International ayaa ku eedaysay hogaamiyayaasha Yurub "in ay kala hadlayaan" arrinta ku saabsan heshiiska muhaajiriinta dib loogu celinayo dalka Turkiga.

Hay’addan u doodda xuquuqda aadanaha ayaa sheegtay in heshiisku uu ku guuldaraystay in uu daboolo sida Midowga Yurub ay dhabarka ugu jeediyay dhibaatada caalamiga ah ee qaxootiga.

Qorshaha ayaa waxaa ka mid ah, in muhaajiriinta Giriiga timaada dib loogu celiyo Turkiga haddii aanay dalban magangalyo ama codsigooda la diido.

Turkigana waxaa taa badelkeeda uu helayaa gargaar iyo tanaasul dhanka siyaasadda ah.

Heshiiska Midowga Yurub iyo Turkiga ayaa u ogolaanaya mas’uuliyiinta Giriiga in ay baaraan codsiyada shakhsiyaadka magangalya doonka ah.

Sikastaba xaaladdu ha ahaatee, muhaajiriin badan oo ay ku jiraan Suuriyiin, ayaa waxa ay doorbidayaan in ay tagaan dalka Jarmalka iyo wadammada waqooyiga Yurub, horayna waxa ay u diideen in ay magangalyo waydiistaan Giriiga, sida nidaamka haatan la dhigay lagu dalbaday.

Heshiiska ayaa dhigaya in muhaajirkasta oo Suuri ah ee dib loogu celiyo Turkiga, ay Midowga Yurub dib u dejin u sameyn doonaan qof Suuri ah oo Turkiga horay u joogay.

John Dalhuisen, agaasimaha Amnesty International ee Yurub iyo Bartamaha Aasiya, ayaa sheegay in ay tahay in ballanqaadyada Midowga Yurub ay tixgaliyaan shuruucda caalamiga ah iyo kuwa Yurub.