Eritrea oo siidaysay maxaabiis Jabuuti u dhalatay

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Eritrea

Dowladda Eritrea ayaa waxa ay siidaysay afar maxbuus dagaal oo u dhalatay dalka Jabuuti, kuwaasi oo ay qabteen sideed sano ka hor markaa oo uu socday dagaalkii xudduuda.

Sii deynta ayaa waxaa garwadeyn ka aheyd dowladda Qadhar, taasi oo dhexdhexaadinaysay labada dowladood.

Sarkaal u dhashay dalka Qadhar ayaa sheegay in uu rajaynayo in Eritrea ay sidoo kale sii dayn doonto 13 askari oo kale oo Jabuuti u dhalatay kuwaasi oo weli gacanteeda ku jira.

Muranka dhanka xudduuda ayaa waxaa sal u ah deegaanka Ras Doumeira ee Badda Cas.

Eritrea ayaa sidoo kale waxa uu muran daba dheeraaday kala dhexeeyaa dalka Itoobiya.