Shirkadaha isgaarsiinta ee Koongo oo la daminayo

Lahaanshaha sawirka
Image caption Macdanta Koongo

Mas’uuliyiinta Jamhuuriyadda Koongo, ayaa waxa ay ku amreen labada shirkad isgaarsiineed ee ugu weyn dalkaasi in ay xiraan dhammaan xiriirka taleefanada iyo internet-ka inta ay socoto doorashada madaxtinimada ee lagu wado in la qabto maalinta Axadda ah.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in amarkaasi daminta shirkadahaasi ay u bixisay arrimo la xiriira dhanka ammaanka.

John-Marie Michel Mokoko, oo ah musharax mucaarad ah, ayaa sheegay in boolisku ay u yeereen, isagoo tallaabadaasi ku tilmaamay in ay tahay iskuday lagu doonayo in loogaga hor istaago tartanka.

Sideed musharax ayaa waxa ay la tartamayaan madaxweynaha xilka mudada dheer hayay ee Denis Sassou Nguesso.

Dastuurka dalkaasi ayaa sanadkii la soo dhaafay waxaa lagu sameeyay isbadel u ogolaanaya madaxweynaha in uu markale xilka u tartami karo.