Bas ku qalibmay Sucuudiga oo dilay 19 Masaari ah

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Masjidka barakaysan ee Madiinah Al Munawarah

Sagaal iyo toban qof ayaa waxa ay dhinteen kaddib markii bas waday xujey Masaari ah uu ku burburay dalka Sucuudi Carabiya, sidaasi waxaa qortay wakaaladda wararka Mena ee ay maamusho dowladda Masar.

Gaariga ayaa ku qalibmay wadada u dhaxaysa magaalooyinka barakaysan ee Makah iyo Madina, sida ay sheegtay Mena.

Wakaaladu waxa ay intaa raacisay in baska markii uu burburayay ay saarnaayeen 44 xujey Masaari ah.

Shilka ayaa imanaya maalma un kaddib markii 16 xujey u dhalatay Falastiin oo ka soo safray Daanta Galbeed ay dhinteen kaddib markii uu baskoodu ku qalibmay dalka Urdun xilli ay ku wajahnaayeen waddanka Sacuudi Carabiya.

Kooxdaasi ayaa waxa ay u safrayeen magaalada Makah si ay u soo gutaan acmaasha Cumrada.