Madaxweynaha Brazil oo dacweyneysa xildhibaan

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Madaxweynaha waxaa lagu eedeeyay sidoo kale inay xil u magacowdo madaxweynihii hore oo baaritaan uu ku socdo

Madaxweynaha dalka Brazil, Dilma Rousseff, waxa ay sheegtay in tallaabo sharciga waafaqsan ay ka qaadi doonto xubin ka mid ah baarlamaanka oo ayada eedeyn u jeediyay.

Sanatarkaasi ayaa madaxweynaha ku eedeeyay inay ku lug leedahay musuqmaasuqa shirkadda shidaalka dalka ee Petrobras.

Hogaamiyihii hore ee ka tirsanaana xisbigeeda, Delcidio Amaral, ayaa wargeys u sheegay in Ms Rousseff ay ogeyd in lacagtaasi laga xaday shirkadda Petrobras.

Wuxuu intaa ku daray in ay isku deyday inay hor istaagto baaritaanka fadeexadda musuqmaasuqa.

Mr Amaral waxa uu ogolaaday codsi wadahadal oo oga yimid dacwad oogayaasha horraantii isbuucan.

Dowladda Brazil waxa ay si ku celcelis ah u beenisay eedaha musuqa ee loo soo jeediyay.

Laakiin taasi waxa ay sare u sii qaaday mooshinka xil ka qaadista ee ay wajeheyso Ms Rousseff.