Obama oo booqasho taariikhi ah ku tagay Cuba

Lahaanshaha sawirka Getty

Madaxweyne Obama, ayaa booqashadiisa caasimadda Cuba ee Havana, ku sheegay in ay tahay fursad taariikhi ah uu xiriir kula yeelanayo dadka reer Cuba.

Isaga oo la hadlayay shaqaalaha safaaradda Marayka ee Cuba, ayaa Madaxweyne Obama waxa uu sheegay in uu filayo in jiilka mustaqbalka ay booqashadani u arki doonaan mid iska caadi ah.

Obama ayaa ah madaxweynihii ugu horeeyey oo Maraykan ah, oo isaga oo xil haya booqdo dalka Cuba muddo 88-sano ah.

Maanta ayuu Obama la kulmi doonaa madaxweynaha Cuba, Raul Castro.