Ammaanka Faransiiska oo la adkeeyay

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Salax waxa uu hadda gacanta ugu jiraan maamulka Belgium

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Faransiiska ayaa lagu wadaa in ay kordhiso ammaanka xadka uu dalkaasi la wadaago dalka Belgiumka.

Arrintani waxa ay daba joogtaa qabashada ninka lagu tuhunsanyahay weerarka Paris, Saalax Cabdisalaam oo lagu qabtay magaalada Brussels Jimcihii.

Bernard Cazeneuve waxuu sheegay in ciidamo dheeraad ah la gayn doono xadka Belgium si looga baqasada weeraro laga yaaba in ay dhacaan.

Dacwad oogayaasha dalka Faransiiska ayaa waxa ay sheegayaan in Salax Cabdisalam uu sheegay inuu doonayay inuu isqarxiyo intuu socdeen weeraradii Paris ee bishii November, laakiin maskaxdiisa uu badalay.

Saalax waxaa looga shakisan yahay inuu abaabulay weeraradaasi Paris lagu qaaday sanadkii hore.

Waxaa lagu oogay dacwad la xiriirta dil iyo inuu ka mid ahaa koox “argagixiso.”

Dacwad oogayaasha waxa ay sheegayaan in Saalax uu xudun u ahaa kooxda isqarxisay iyo diyaarintii weeraradaasi.

Xilli sii horeysay, qareenka u doodaya Salax Cabdisalam waxa uu sheegay in ninkan uu la shaqeynayay dowladda Belgium, laakiin uu ka dagaallamayo in Faransiiska lagu wareejiyo.

Waxaa weeraradii Paris ku dhimatay 130 qof.