Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Biyo la'aan ka jirta Dhadhaab

Magaalada Dhadhaab ayaa waxa ay ka mid tahay magaalooyinka sida weyn u koraya ee gobolka waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Tan iyo markii ay deegaankaasi la dajiyay tobannaanka kun ee qaxootiga ah ee ka soo cararay dagaalada sokeeye ee ka soconayay Soomaaliya ayaa magaalada waxaa ku soo kordhay dad iyo dhismooyin badan.

Haatan magaalada waxaa ka taagan biyo yari saameysay nolosha dadka halkaasi ku nool.

Bariga Afrika ayaa waxaa haatan ka jira jiilaal kulul, iyadoo deegaanada qaarna la shaaciyay in abaar ay ku dhufatay.

Bashkas Jugsodhacay oo dhawaan safar shaqo ku tegay halkaa ayaa warbixintan inoo soo diray.