Nin loo raadinayo weerarkii Paris

Lahaanshaha sawirka

Masuuliyiinta Belgium ayaa ogaaday qof ka mid ah dadka ay raadinayaan oo looga shakisan yahay inay abaabuleen weerarkii Paris, ee ay ku dhinteen boqol iyo soddon qof.

Waxaa la aaminsan yahay in Najim Laachraoui oo ah labaatan iyo afar jir, uu Suuriya ka dagaalamay.

Dadka baaritaanka sameeynaya ayaa sheegay inuu isticmaalay magac been ah, Soufiane Kayal, DNA-giisa ayaa laga helay qarax loo isticmaalay weerarkii Paris.

Waxaa kaloo lagu eedeynayaa inuu xiriir la samaynayay dadka weerarka ku qaaday Paris habeenkii weerarka. Waxaa la sheegayaa inuu u safray Budapest isagoo la socda Salah Abdeslam oo lagu xiray Brussels Jimcihii.