Ruushka oo ka digay Suuriya

Lahaanshaha sawirka Reuters

Ruushka ayaa sheegay inay xoog u adeegsan doonaan dhinacyada jabiya xabad joojinta Suuriya, hadii uusan Maraykanka ogolaan wixii lagu heshiiyay marka la gaaro bari.

Wasaarada difaaca ee Moscow ayaa sheegtay inaan la sii wadi karin wadahadalka, iyadoo dadka ay dhimanayaan maalin walba.

Bilowgii toddobaadkii labaad ee wadahadalka madaxa wakiilada dowlada Suuriya, Bashar Ja'afari, ayaa ku adkaystay in mustaqbalka Assad aan laga hadlayn.

Wuxuu kaloo sheegay in horumarka laga gaarayo wadahadalka uu yar yahay.