Wadahadalka qaxootiga lagu celinayo Turkiga

Lahaanshaha sawirka Getty

Masuuliyiinta Turkiga iyo Gariiga ayaa qabanaya wadahadalo, sidii loo hirgalin lahaa heshiis cusub oo dadka magalgalyo doonka ah loogu celinayo Turkiga.

Dadka ayaa doonyo uga imaada Turkiga, iyadoo ku dhawaad sagaal boqol oo qof ay yimaadeen Gariiga shalay.

Heshiiska ayaa hirgalay Axadii, laakiin Gariiga ayaan haysan dad ku filan oo diiwaan galiya dadka imanaya.

Boqolaal saraakiil sharci yaqaan, turjubaano iyo shaqaale gargaar oo kakala yimid waddamada kale ee Yurub ayaa iman doona jasiiradaha Gariiga toddobaadyada soo socda.

Dadka ku imaanaya doonyaha ayaa lagu wareejinayaa xerooyin ku meel gaar ah.