Twitter oo toban sano jirta

Lahaanshaha sawirka Reuters

Toban sano ayaa laga joogaa tan iyo intii la diray Tweet-kii ugu horeeyay, iyadoo ninka wax ka aasaasay barta, Jack Dorsey uu ku diray fariintii ugu horaysay.

Twitterta ayaa tan iyo intaas noqotay bar muhiim ah oo dadka wararka ay ku diraan. Waxay qayb wayn ka qaadatay kacdoonkii carabta, calaamada # oo fariimaha lagu diro dad badan ay isticmaalaan.

Shirkada ayaa markii ay ugu qaalisanayd qiimaheedu ahaa labaatan iyo shan bilyan oo dollar. Laakiin qiimaheeda ayaa hoos u dhacay, iyadoo la halgamaysa inay soo jiidato macaamiil badan.

Shirkadda ayaa dhaleecayn ay uga imaatay, sida ay wax uga qabato marka laga soo dacwoodo waxa lagu qoro barta Twitter.